HomeCaalamkaWararkii ugu danbeeyay Dagaalo culus oo ka socda Koonfurta Gaza ee Rafax

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalo culus oo ka socda Koonfurta Gaza ee Rafax

Date:

Related stories

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Dagaal culus ayaa ka socda dhulka koonfurta Gaza ee Rafah,iyadoo kooxaha Xamaas ay ridayaan gantaallo iyo hoobiyeyaal lala beegsanaayo ciidamada Israa’iil iyo taangiyadooda oo ku sii qulqulaya magaalada aadka u camiran. Qiyaastii 80,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka qaxay Rafah, kumanaan kalena waxay isku diyaarinayaan inay ka baxaan magaaladaasi ,iyadoo la tilmaamayo in duulaanka dhulka […]

- Advertisement -

Dagaal culus ayaa ka socda dhulka koonfurta Gaza ee Rafah,iyadoo kooxaha Xamaas ay ridayaan gantaallo iyo hoobiyeyaal lala beegsanaayo ciidamada Israa’iil iyo taangiyadooda oo ku sii qulqulaya magaalada aadka u camiran.

Qiyaastii 80,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka qaxay Rafah, kumanaan kalena waxay isku diyaarinayaan inay ka baxaan magaaladaasi ,iyadoo la tilmaamayo in duulaanka dhulka ee Israa’iil uu kor u sii kacayo.

- Advertisement -

Ciidamada Israa’iil ayaa La wareegay  xuduudka Rafah ,iyagoo sadexdii cisho ee la soo dhaafay  xayiray gelitaanka gargaarka Gaza ,waxayna cuuryaamiyeen hawlihii bini’aadanimo Qaramada Midoobay ayaa sidaa ku doodday.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay haystaan dhammaan hubka ay uga baahan yihiin duulaanka dhulka ee Rafah ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in aysan siin doonin hub lagu weeraro magaalada Rafac.

Ugu yaraan 34,904 qof ayaa lagu dilay Gaza,78,514 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee bilowday 7-dii Oktoobar.

Latest stories