HomeCaalamkaMaxaa ka jira in Tigray qeyb ka yihiin Dagaalka u dhexeeya Labada...

Maxaa ka jira in Tigray qeyb ka yihiin Dagaalka u dhexeeya Labada Jeneral ee Sudan?

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Maamulayaasha Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia ayaa waxay gaashaanka ku dhufteen eedeymo loo soo jeediyey oo ku aadan inay ka barbar dagaalamaan Ciiddanka Dowladda Sudan. Beeninta Maamulayaasha Tigrayga ayaa waxay soo baxday, kadib, markii uu Taliska Ciiddanka Gurmadka Degdega Sudan ee RSF sheegay inay hayaan Dukumentiyo caddayn u ah in Ciiddamo u daacad ah Xisbiga […]

- Advertisement -

Maamulayaasha Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia ayaa waxay gaashaanka ku dhufteen eedeymo loo soo jeediyey oo ku aadan inay ka barbar dagaalamaan Ciiddanka Dowladda Sudan.

Beeninta Maamulayaasha Tigrayga ayaa waxay soo baxday, kadib, markii uu Taliska Ciiddanka Gurmadka Degdega Sudan ee RSF sheegay inay hayaan Dukumentiyo caddayn u ah in Ciiddamo u daacad ah Xisbiga TPLF ee Isbahaysiga maamula Gobalka Tigrayga Ethiopia ay ka barbar dagaaalamayaan Ciiddanka Dowladda Sudan iyo Maleeshiyada Isbahaysiga la ah.

- Advertisement -

Eedeymaha Kooxda RSF ee xilligan ayaa ku soo beegantay, iyadoo Maamulayaasha Tigrayga ay qorsheynayaan sidii ay u soo laaban lahaayeen Boqolaal Kun oo dadka Tigrayga oo u firxatay gudaha Sudan.

Docda kale, Kumanaan Ethiopian asalkooda yahay Qowmiyada Tigrayga ayaa u qaxay Sudan,  si ay uga badbaadaan Dagaalkii Jabhada Tigrayga ee TPLF iyo Ciiddanka Dowladda Ethiopia ku dhex maray Waqooyiga dalkaasi muddadii u dhexeysay sanadihii 2020-kii ilaa 2022-kii.

Si kastaba, Kor-Joogtada a ayaa rumeysan in tiro Calooshood-U-Shaqaystayaal (mercenaries) oo ka kala yimid dalal kala duwan ay ka barbar dagaalamaan Kooxaha ku dagaalamayo gudaha dalka Sudan ee ay kala hoggaamiyaan Jeneral C/Fataax Al-Burhan iyo Jeneral Maxamed Xamdaan Dagolo.

Latest stories