HomeWarar Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya

 Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada Xukuumadda DanQaran ee saleysan taabbo gelinta hannaanka dowladnimada Soomaaliya. […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada Xukuumadda DanQaran ee saleysan taabbo gelinta hannaanka dowladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga gudaha dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey dadaalladooda la xiriira adkeynta dowladnimada iyo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan dhibaatooyinka dalka ka dhaca.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, tanoo abuuri karta fursado shaqo. Maalgashigaani wuxuu fursad u yahay in laga faa’iideysto xubinnimadeenna suuqa bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ah suuq cusub iyo horumar dhaqaale oo ballaaran”.

Dhankooda, Ganacsatada ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha talooyin ku aaddan dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee ay xaqiijisay Xukuumaddu muddada labada sano ku dhow ee ay shaqeynaysay.

Latest stories