HomeWararMW Xasan Sheekh oo War kasoo saaray xiriirka ka dhexeeya Madaxda M/Goboleedyada

MW Xasan Sheekh oo War kasoo saaray xiriirka ka dhexeeya Madaxda M/Goboleedyada

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaalada xiriirka ka dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada dalka sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland. War-saxaaadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh markii dib loo doortay 15-kii May 2022 uu mudnaanta ugu horreysay siiyay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaalada xiriirka ka dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada dalka sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.

War-saxaaadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh markii dib loo doortay 15-kii May 2022 uu mudnaanta ugu horreysay siiyay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada.

- Advertisement -

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dawladda Federaalka dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Puntland si uu noqdo  xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka.

Sidoo kale dowladda ayaa tilmaamtay inay dowladda Soomaaliya weli ka go’an tahay in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso xiriirka Maamulka Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda maamulada uga digay aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka

Latest stories