HomeWararFaah faahin: Haweeney Caruur ay dhashay ku gowracday Duleedka Muqdisho

Faah faahin: Haweeney Caruur ay dhashay ku gowracday Duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dhacdo naxdin iyo Argagax leh ayaa xalay fiidkii ka dhacday xaafad ka tirsan deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii Haweeney ay tooreey ku gowracday laba carruur ah oo ay dhashay. Qaar kamid ah dadka deegaanka xaafada uu falka ka dhacay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in haweeneyda ay tooreey ku gowracday […]

- Advertisement -

Dhacdo naxdin iyo Argagax leh ayaa xalay fiidkii ka dhacday xaafad ka tirsan deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii Haweeney ay tooreey ku gowracday laba carruur ah oo ay dhashay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka xaafada uu falka ka dhacay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in haweeneyda ay tooreey ku gowracday wiil iyo gabar yar oo dhashay, kuwaasi oo ahaa caruur yaryar, oo la joogay guriga ay ka deganaayeen Tareedisho.

- Advertisement -

Dadka ka argagaxay dhacdada ayaa ku warramay in haweeneyda dishay caruurteed ay qabtay xanuunka dhimirka, isla markaana mar qura laga war helay wiilka iyo gabadha oo meyd ah. Da’da wiilka ayaa lagu sheegay laba sanno jir, halka gabadha ay iyaguna aheyd 4 sanno jir.

Dhacdooyinka aadka looga argagaxo ee ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana dhacdadaan ka dhacday Tareedisho aad uga naxay dadka deegaanka.

Latest stories