HomeWararPuntland oo sheegtay in Go'aankii DFS ku xirtay Qunsuliyadda Itoobiya aanu khuseyn

Puntland oo sheegtay in Go’aankii DFS ku xirtay Qunsuliyadda Itoobiya aanu khuseyn

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay tallaabadii dowladda Federaalka Soomaaliya ku shaacisay inay ku xireyso Xarunta Qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay gudaha magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna caasimadda Puntland. War-saxaafadeed xalay kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay marka hore in Maamulkooda iyo dowladda Federaalka iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xiriiro soo […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay tallaabadii dowladda Federaalka Soomaaliya ku shaacisay inay ku xireyso Xarunta Qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay gudaha magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna caasimadda Puntland.

War-saxaafadeed xalay kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay marka hore in Maamulkooda iyo dowladda Federaalka iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xiriiro soo jireen ah, oo dhowr qodob ku saleysan sida iskaashiga, dhaqaalaha iyo amniga.

- Advertisement -

Puntland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka inay laashay Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, iyagoona Go’aanka shalay ay gaareen Golaha Wasiirada ee lagu xiray Qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe ku tilmaamay in uusan aheyd mid loogu daneynayay maslaxada ummada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Puntland ayaa caddeeysay inay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garowe aanu khusayn Puntland.

Qaraar shalay kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu xiray qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, kadib markii dorraad ay Itoobiya shaacisay inay heshiis iskaashi la galeen Maamulka Puntland.

- Advertisement -

Latest stories