HomeWararDab baabi’iyay ku dhawaad 50 Carwo oo Maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha

Dab baabi’iyay ku dhawaad 50 Carwo oo Maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dab geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan oo Maanta jimco ah ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaalla bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Dabka oo socday dhowr iyo toban daqiiqo ayaa ka bilowday carwo dharka lagu iibiyo oo ku taalla qeybaha dahablaha, kadibna dabka ayaa […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dab geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan oo Maanta jimco ah ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaalla bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dabka oo socday dhowr iyo toban daqiiqo ayaa ka bilowday carwo dharka lagu iibiyo oo ku taalla qeybaha dahablaha, kadibna dabka ayaa kusii faafay goobo ganacsi kale oo ku yaalla qeybaha dahablaha iyo maacuunta ee Suuqa Bakaraaha.

- Advertisement -

Gaadiidka dab damiska ee Shirkadda hormuud iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii dambe gaaray aaga uu dabka ka socday, isla markaana ku guuleystay inay demiyaanka dabkaasi oo sida la tilmaamay geystay khasaaro hanti oo farabadan.

Qaar kamid ah Ganacsatada laheyd goobaha gubtay oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in dabka uu baabi’iyay ku dhawaad 50 Carwo oo lagu iibinayay dharka ciida ee sanadkaan iyo kuwo kale oo maacuunta lagu iibinayay, Xarun ay laheyd Xalwa Baariyow, iyagoona ganacsatada sheegay in hanti badan lagu laayay dabkaasi.

Dabka qabsada Suuqa bakaaraha ayaa mudooyinkan soo laalaabanayey, dhowr todobaad ka hor ayeyna aheyd markii sidan oo kale uu dab qabsaday qeybta Cabdalla shideeye loo yaqaano ee lagu iibiyo Electronikada ee Suuqa bakaaraha.

- Advertisement -

Sidoo kale dabkan ayaa ku soo aadaya xili suuqa bakaaraha iyo suuqyada kale ee caasimada  mashquul xoogan uu ka jiray maalmahan, ka dib markii ay u soo dukaameysi tageen dad fara badan, diyaar garowga munaasabada ciida awgeed.

Latest stories