HomeWararQarax khasaaro geystay oo samafalayaal Ajaanib ah lagula eegtay Muqdisho

Qarax khasaaro geystay oo samafalayaal Ajaanib ah lagula eegtay Muqdisho

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta gaari ay la socdeen samafalayaal u dhashay dalka Turkiga iyo dad kale oo Soomaali ah lagula eegtay deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxa uu gaariga oo […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta gaari ay la socdeen samafalayaal u dhashay dalka Turkiga iyo dad kale oo Soomaali ah lagula eegtay deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxa uu gaariga oo ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqanta uu ku qabsaday, xilli uu marayay xaafadda Igadabagey ee deegaanka Garasbaaley.

- Advertisement -

Dad ku sugnaa aaga uu qaraxu ka dhacay ayaa laga soo xigtay in miinada ay qabsatay gaariga ay la socdeen samafalayaasha u dhashay dalka Turkiga iyo xubnaha kale ee Soomaalida ahaa, isla markaana uu dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in waxyeelada ugu badan gaartay ilaalada la socotay samafalayaasha, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada khasaaraha rasmi ah ee jira, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaasi dhacay.

Ciidamada ammaanka oo markii dambe soo gaaray goobta qaraxa ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxa iyo kuwii kale ee ku dhintay, waxaana halkaasi looga tagay gaarigii la qarxiyay oo si weyn u bur buray.

Latest stories