HomeWararMaxaa looga hadlay kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Ergayga QM ee Somalia?

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Ergayga QM ee Somalia?

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee Go’aanka Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa kulan ay yeesheen uga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo.

“Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Dowladda Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Puntland

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala noqdeen Hey’addaha dowladda Federaalka inta laga helayo Hannaan Federaal oo dhameystiran oo Soomaali heshiis ku tahay.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories