HomeWararXildhibaanada Baarlamaanka oo soo gaba-gabeeyay doodii wax ka bedelka Dastuurka

Xildhibaanada Baarlamaanka oo soo gaba-gabeeyay doodii wax ka bedelka Dastuurka

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 30aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada gole. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad, qeybinta nuqulka kama dambeysta ah ee soojeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka (Cutubka 1-aad ilaa iyo 4-aad) iyo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 30aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada gole.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad, qeybinta nuqulka kama dambeysta ah ee soojeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka (Cutubka 1-aad ilaa iyo 4-aad) iyo warbxinta Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Dastuurka.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal Xil. Xuseen Iidoow, oo Xildhibaannada hortooda ka aqriyay warbxinta 1-aad ilaa iyo 4-aad, isagoona sheegay in Xildhibaannada loo qeeybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Mudane Burhaan Aadan Cumar, ayaa soo bandhigay hadal qoraallada ay diiwaan geliyeen kuwaas oo ahaa soo jeedimaha Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray fadhiga maanta ayaa sheegay in nuqulada maanta loo qeybiyay Xildhibaannada iyo Sanatarrada in ay soo akhriyaan, waxaana uu Guddoomiyuhu tilmaamay in Xildhibaanada soo xaadiraan kulamada ka dhiman kalfadhigaan.

Latest stories