HomeWararGolaha Wasiirada Maamulka Puntland oo Maanta Go’aano cusub soo saaray

Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo Maanta Go’aano cusub soo saaray

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland, xaaladda cudurada faafaha, xaaladda Deegaanka iyo  Kor-u-qaadista Dalxiiska iyo illaalinta goobaha taariikhiga ah. Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qodobo ku saabsan dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland, xaaladda cudurada faafaha, xaaladda Deegaanka iyo  Kor-u-qaadista Dalxiiska iyo illaalinta goobaha taariikhiga ah.

Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qodobo ku saabsan dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo la tixraacay warbixinta ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

- Advertisement -

Qodobada ayaa kala ah :

1- Dhamaystirka 3-da Degmo ee dhiman oo kala ah Garowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan.

2- Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.

- Advertisement -

3- Tababarka 33-da Degmo iyo qoondaynta kharashkii ku bixi lahaa.

4- Dib-u-eegista shuruucda Doorashooyinka sida L.7 iyo Xeerarka Doorashooyinka.

5- Dhamaystirka Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

6- Dib-u-eegista iyo Is-waafijinta qodobada Dastuurka ee Is-khilaafsan.

Sidoo kale waxaa Golaha looga hadlay :

1-Amniga Guud: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta Amniga Guud ee Puntland iyo shaqada socota ee lagu dardargelinayo sugida Amniga.

2-Xaaladda Cudurada Faafa: Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagay xaaladda cudurada faafa sida Shuban-biyoodka iyo dadaalada Dowladdu Kula tacaalayso.

3-Xaaladda Deegaanka Puntland: Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda deegaanka iyo howlgalada looga hortagayo xaalufka iyo waxkasta oo khatar ku ah deegaanka.

4- Dalxiiska iyo Goobaha Taariikhiga ah: Wasaaradda Warfaafinta ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan dalxiiska Puntland, Illaalinta Goobaha taariikhiga ah iyo qorsheyaasha dhow ee ay ku horumarinayaan arrimaha Dalxiiska Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray dhammaan hay’adaha  in laga wada shaqeeyo addeega dowladeed ee Bulshada loo hayo, iyadoo la raacayo Siyaasadda iyo qorshaha ee hortebinta leh.

Latest stories