HomeWararBuundo ku duntay Mareykanka oo ay dad ku dhinteen

Buundo ku duntay Mareykanka oo ay dad ku dhinteen

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa sheegay in lix qof weli la la’yahay ka dib markii markab konteenar ah uu soo riday buundada muhiimka ah ee magaalada Baltimore. Waxay sheegeen in dadkaasi hadda loo malaynayo inay dhinteen. Shir jaraa’id, ayuu Rear Admiral Shannon Gilreath, ku sheegay in aysan u badneyn in dhibbanayaashu ay nool yihiin sababo la […]

- Advertisement -

Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa sheegay in lix qof weli la la’yahay ka dib markii markab konteenar ah uu soo riday buundada muhiimka ah ee magaalada Baltimore. Waxay sheegeen in dadkaasi hadda loo malaynayo inay dhinteen.

Shir jaraa’id, ayuu Rear Admiral Shannon Gilreath, ku sheegay in aysan u badneyn in dhibbanayaashu ay nool yihiin sababo la xiriira muddada dheer ee ay maqan yihiin iyo heerkulka biyaha oo hooseeya.

- Advertisement -

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay hakinayaan howlihii baadi goobka iyo samata bixinta oo ay hadda diiradda saarayaan howlgalka soo kabashada.

Haase yeeshee, waxay intaa ku dareen in iftiinka liita iyo burburka buundada ee biyaha ay ka dhigayaan dadaallada soo kabashada mid aad u adag.

Lixda qof ee la la’yahay ayaa ahaa shaqaale dhisme oo ka shaqeynayay buundada markii uu shilku dhacay.

Latest stories