HomeWararRW Xamse Barre oo ka hadlay geerida ku timid Senator ka tirsaan...

RW Xamse Barre oo ka hadlay geerida ku timid Senator ka tirsaan Aqalka Sare

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed oo ka tirsanaa Senatorada Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey Magaalada Columbus ee dalka Maraykanka, halkaasi oo la sheegay in maalmihii dambe ku xanuunsanayay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka […]

- Advertisement -

Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed oo ka tirsanaa Senatorada Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey Magaalada Columbus ee dalka Maraykanka, halkaasi oo la sheegay in maalmihii dambe ku xanuunsanayay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku sifeeyey marxuumka in uu ahaa muwaadin Qarankiisa ugu  soo adeegay marxalado kala duwan, kaalin wanaagsanna ka soo qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo Alle u waydiiyey in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

“Alle ha u naxariistee marxuumka oo xubin ka ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka, wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janno, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, golihii uu xubinta ka ahaa iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed.”

Latest stories