HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo u safray Ereteriya & Xogta safarkiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray Ereteriya & Xogta safarkiisa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa duhurnimadii Maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u ambabaxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa duhurnimadii Maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u ambabaxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Asmara kulamo kula qaadan doona dhiggiisa dalkaas Asias Afwerki, iyagoo ka wada hadli doona sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

Latest stories