HomeWararDadkii ku dhaawacmay Qaraxii Hotelka SYL oo Maanta loo qaaday Turkiga

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Hotelka SYL oo Maanta loo qaaday Turkiga

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Weerarkii qaraxa ku bilowday ee Al-Shabaab ku qaaday hotelka SYL ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibaddiisa gaar ahaan waddanka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka sagootiyay ku dhawaad 20 qof oo isugu jiray mas’uuliyiin, saraakiil iyo dad shacab ah oo qaraxa ku dhaawacmay.

Dhaawacyada ayaa xaaladooda caafimaad lagu dabiidi doonaa isbitaalo ku yaalla magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxaan  dadkaasi diyaarad gaar ah looga qaaday Garoonka Aadan Cadde, taasi oo saacadaha soo socda ka tageysa dalkaasi.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Cali Xaaji Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 18 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba oo ay kamid yihiin Xildhibaano, mas’uuliyiin, saraakiil ciidan iyo dad kale ayaa kamid ah dadka la qaaday.

Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay ku qaaday hotelka SYL oo ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana weerarka ku dhaawacmay 27 qof, halka saddex Askarina ay ku dhinteen.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories