HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dagaal Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Baladweyne

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Baladweyne

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka la magac baxay Hiiraan State ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

Dad ku sugan Baladweyne ayaa kusoo warramay in dagaalkan uu bilowday xilligii suxuurta, laguna dhawaa waqtiga salaada subax, dagaalka ayaa inta uu socday la isku adeegsaday hubka cul culus, iyadoona la maqlayay hugunka rasaasta dhinacyada.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen dagaalkii ka dhacay xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne, halka qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo xarumo caafimaad oo ku yaalla halkaa.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada Maamulka Hirshabeelle la’isugu geeyay aagga saldhigga Booliska ee magaaladaas, halka kuwa kalena ay joogaan qaybo kamid ah Baladweyne, sida ay dadka soo werinayaan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay goobaha Ganacsiga magaalada iyo isku socodka gaadiidka dadka, illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan dagaalka khasaaraha dhaliyay ee dhacay.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories