HomeWararBooliska oo faah faahin ka bixiyay Dabkii ka kacay Suuqam Bakaaraha

Booliska oo faah faahin ka bixiyay Dabkii ka kacay Suuqam Bakaaraha

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Afhayeenka ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa faah faahin kooban ka bixiyay dab khasaaro hantiyadeed geystay oo saaka ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Afhayeenka oo saxaafada la hadlay ayaa u sheegay in dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha uu marka hore ka dhashay qarax miino oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa faah faahin kooban ka bixiyay dab khasaaro hantiyadeed geystay oo saaka ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka oo saxaafada la hadlay ayaa u sheegay in dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha uu marka hore ka dhashay qarax miino oo la dhigay goob qashin ah, sidaasina uu dab xooggan ku qabsaday dhismayaal, kadibna uu kusii faafay goobo Ganacsi.

- Advertisement -

Wuxuu xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay hal qof oo joogay Suuqa, sidoo kalena wuxuu intaas kusii daray in dabka uu dhaliyay khasaaro hantiyadeed oo gaaray goobaha Ganacsi eek u yaallay Suuqa Cabdalla Shideeya.

Gubashada suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa marar badan soo laa laabatay, iyadoona sidoo kale ay xusid mudan tahay in dabab kale ay sidaan oo kale uga kaceen Suuqyada Xamar-weyne iyo Suuq-bacaad.

Latest stories

No posts to display