HomeWararBooliska oo 140 xabo oo Hoobiyeyaal ah kusoo Bandhigay Muqdisho

Booliska oo 140 xabo oo Hoobiyeyaal ah kusoo Bandhigay Muqdisho

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay hoobiyeyaal iyo hub kale oo tiro badan, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidanka ammaanka sameeyeen.

Afhayeenka ciidanka Boolisak Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laamaha amniga ay gacanta kusoo dhigeen illaa 140 xabo oo hoobiye ah iyo hub kale, kadib howlgalo laga fuliyay qeybo kamid ah gudaha caasimadda Muqdisho.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa ka hadlay laba hoobiye oo saqdii dhexe ee xalay kusoo dhacay degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana mid kamid ah uu si gaar ah ugu dhacay xerada gaadiidka Booliska oo ku taalla Cabdicasiis.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidanka Booliska dowladda ayaa ku dhaawacmay madfaca ku dhacay gaadiidka Booliska, mana jiro khasaaro oo ka dhashay falkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagay, inkastoo mararka qaarkood ay caasimadda ka dhacaan dilal qorsheysan oo ay geystaan rag dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories