HomeWararDFS oo Imaaraadka kala hadashay in gargaar Deg-deg dalka lasoo gaarsiiyo

DFS oo Imaaraadka kala hadashay in gargaar Deg-deg dalka lasoo gaarsiiyo

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan diiradda lagu saaray qodobbo kala duwan oo la xariira arrimaha gargaarka iyo taageerada mashaariicda adkeysiga la qaatay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta, Md. Axmed j. Al-rumeysi. Labada masuul ayaa isla meel dhigay, in ka hor curashada bisha Ramadaan gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka nugul ee fatahaadihii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan diiradda lagu saaray qodobbo kala duwan oo la xariira arrimaha gargaarka iyo taageerada mashaariicda adkeysiga la qaatay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta, Md. Axmed j. Al-rumeysi.

Labada masuul ayaa isla meel dhigay, in ka hor curashada bisha Ramadaan gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka nugul ee fatahaadihii El-nino saameeyeen, in la hagaajiyo biya xireennada muhiimka ah si loo yareeyo qatarta fatahaado ka dhalan kara roobka gu’ga.

- Advertisement -

Safiirku ayaa wuxuu sidoo kale la wadaagay Guddoomiyaha xogta la xariirta ceelal laga hirgalinayo degaanno baahi biyood qaba, isagoo xusay in la soo gabagabeeyay wajiga 1-aad lana guda-galayo wajiga labaad.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha SoDMA Md Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts