HomeCaalamkaMareykanka iyo Ingiriiska oo weerarka cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta Yemen

Mareykanka iyo Ingiriiska oo weerarka cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta Yemen

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaraddaha dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ay weerarro cusub oo xagga cirka ah ku qaadeen, bartilmaameedyo ku yaala dalka Yemen, kuwaas oo ay leeyihiin xuutiyiintu. Maraykanka ayaa sheegay in weerarradii dhacay habeenimadii Sabtida lala eegtay kaydadka hubka, kuwa diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa qumaatiga u kaca ee […]

- Advertisement -

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaraddaha dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ay weerarro cusub oo xagga cirka ah ku qaadeen, bartilmaameedyo ku yaala dalka Yemen, kuwaas oo ay leeyihiin xuutiyiintu.

Maraykanka ayaa sheegay in weerarradii dhacay habeenimadii Sabtida lala eegtay kaydadka hubka, kuwa diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa qumaatiga u kaca ee ururka xuutiyiinta Yemen.

- Advertisement -

Ingiriiska ayaa sheegay in talaabada isbahaysigu qaaday looga gol leeyahay, sidii loo dhimi lahaa awoodda kooxda xuutiyiinta.

Waxa jiray weerarro is xigxigay oo kooxdan ay Iiraan taageerto ay ku qaadayeen, maraakiibta ganacsi ee maraya, marin biyoodka muhimka ah ee Badda Cas.

Xuutiyiinta oo maamula dhul balaaran oo dalka Yemen ah oo ay ku jirto caasimadda Sanca, ayaa bartilmaameed sanayay maraakiib ay la xiriirinayeen Israa’iil iyo wadamada reer galbeedka, iyagoo kaga jawaabaya dagaalka Israa’iil ee Qasa.

Latest stories