HomeWararMeydka Marxuum Cabdinaasir Dahable oo laga dejiyay Magaalada Hargeysa

Meydka Marxuum Cabdinaasir Dahable oo laga dejiyay Magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Meydka Cabdinasir Muuse Dahable, oo katirsanaa Shaqaalaha Hay’adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa saaka laga dejiyay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Diyaarad ayaa looga qaaday Garoonka Muqdisho Meydka marxuum Cabdinasir Muuse, taasi oo geysay Hargeysa, waxaana Maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka […]

- Advertisement -

Meydka Cabdinasir Muuse Dahable, oo katirsanaa Shaqaalaha Hay’adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa saaka laga dejiyay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Diyaarad ayaa looga qaaday Garoonka Muqdisho Meydka marxuum Cabdinasir Muuse, taasi oo geysay Hargeysa, waxaana Maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley, sida ay sheegeen qaar kamid ah Eheladiisa.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Cabdinasir Muuse ayaa maalmo kahor meydkiisa laga helay gurigii uu ka daganaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo lagu dilay, isagoona la tilmaamay inay jirkiisa ka muuqdeen xilligii loo tagayay jirdilo.

Booliiska Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida sarkaalkan ayaa sheegay in Lix Eedeysane loo soo xiray dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse oo 32-jir ahaa, Cabdinaasir ayaa kamid ahaa Shaqaalaha Hay’adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya.

Si kastaba Cabdinasir Muuse Dahable ayaa kasoo laabtay waxbarasho dibada ah oo la xariirtay cilmiga Hagidda Hawada, isagoo horey uga mid ahaa Shaqaalaha ICAO qeybteeda Hargeysa, Maamulka Somaliland ayaana dilka marxuumka ku eedaysay dowlada Soomaaliya.

Latest stories