HomeWararRW Xamse oo bixiyay amar ku aaddan muwaadin ka tirsanaa Hey’adda Duulista...

RW Xamse oo bixiyay amar ku aaddan muwaadin ka tirsanaa Hey’adda Duulista oo Muqdisho lagu dilay

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray.

- Advertisement -

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan dhab ah ku saameeyaan, isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayaasha ka danbeeyey dilkii muwaadin ka tirsanaa shaqaalaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo xalay meydkiisa laga helay gurigiisa, si caddaaladda loo horkeeno, isaga oo tacsi u diray ehellada iyo qoyska uu ka baxay marxuumka.

Latest stories