HomeWararAl-Shabaab iyo Ciidanka Xoogga oo ku dagaalamay Deegaanka Cali Yabaal

Al-Shabaab iyo Ciidanka Xoogga oo ku dagaalamay Deegaanka Cali Yabaal

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa Weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig Al-shabaab ku laheed dhul howd ah oo u dhaw Deegaanka Cali Yabaal oo hoostago Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Dagaal xoogan ayaa ka dhacay Deegaanka Cali Yabaal, waxaana Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka si […]

- Advertisement -

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa Weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig Al-shabaab ku laheed dhul howd ah oo u dhaw Deegaanka Cali Yabaal oo hoostago Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Dagaal xoogan ayaa ka dhacay Deegaanka Cali Yabaal, waxaana Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobahii horay ay u joogeen dagaalam,aayasha al-shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

- Advertisement -

Sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka dagaalka oo bilaawday saakay aroortii ayaa ilaa iyo hadda socda, waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare xooggan.

Al-shabaab oo isku day-day in ay difaacdo saldhiggaas oo muhiim u ahaa ayaa ugu dambeeyn laga saaray,waxaana hadda xabadu kasii dhaceeysaa dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo Cali Yabaal iyo Cowswayne, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa maalin walba baadi-gooba xubnaha ka tirsan al-shabaab ee ku dhuumaaleeysanaaya dhulka howdka ah.

Latest stories