HomeCaalamkaMaxkamadda Caddaaladda Aduunka oo dhagaysanaysa kiis ka dhan ah Israa’iil

Maxkamadda Caddaaladda Aduunka oo dhagaysanaysa kiis ka dhan ah Israa’iil

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Maxkamadda Caalmiga ah ee caddaaladda ayaa bilaabaysa beri oo isniin ah in ay dhagaysato kiis ka dhan ah Israa’iil, kaas oo ku saabsan cawaaqibka sharci ee ka dhalan kara haysashadeeda dhulka reer Falastiin tan iyo 1967. 52 dal ayaa la filayaa in ay soo gudbiyaan caddeymo arintaas ku saabsan, waxan wadamo ay kamid yihiin Maraykanka, […]

- Advertisement -

Maxkamadda Caalmiga ah ee caddaaladda ayaa bilaabaysa beri oo isniin ah in ay dhagaysato kiis ka dhan ah Israa’iil, kaas oo ku saabsan cawaaqibka sharci ee ka dhalan kara haysashadeeda dhulka reer Falastiin tan iyo 1967.

52 dal ayaa la filayaa in ay soo gudbiyaan caddeymo arintaas ku saabsan, waxan wadamo ay kamid yihiin Maraykanka, Ruusha iyo Shiinuha la filayaa in ay ka hor hadlaan garsoorayaasha, fadhi socon doona muddo todobaad ah oo ka dhacaya qasriga Nabadda ee Laahaay, xarunta maxkamadda.

- Advertisement -

Golaha loo dhan yahay ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa bishii Diiseembar ee sanad kii 2022 ka codsatay maxkamadda caddaaladda aduunka in ay eegto cawaaqibka sharci ee ka dhalan kara haysashada Israa’iil ee dhulalka reer Falastiin, oo ay ku jirto Qudusta Bari.

Codsiga golaha loo dhan yahay waxa kamid ah in la baaro cawaaqibka sharci waxa ay Qaramada Midoobay ugu yeertay “xadgudubka joogtada ah ee Israa’iil ee xaqa dadka reer Falastiin u leeyihiin aayo ka tashigooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin haysasho, deegaamayn, tirkoobka dadeed iyo maqaamka magaalada Qudus”.

Fadhiyada dhagaysiga qadiyadan ayaa ka gooni ah dacwadii Koonfur Afrika u gudbisay maxkamadda ee ka dhanka ahaa Israa’iil, kuna saabsanaa gelitaanka dambiyo ay kamid yihiin xasuuq isir sifeyn ah inta lagu jiray dagaalka Qasa.

Latest stories