HomeWararMaxaad ka taqaana Bajiyaha oo ah cunto dhaqameed ay caan ku yihiin...

Maxaad ka taqaana Bajiyaha oo ah cunto dhaqameed ay caan ku yihiin Banadirigu?

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Soomaalidda waa bulsho leh cunto dhaqameedyo kala duwan oo deegaan kasta waxaa loogu tagaa cunyooyin uu caan ku yahay, kuwaas oo dadka booqda ay kusii tashadaan in ay soo dhadhamiyaan. Wallow ay jiraan waxyaabo laga siman yahay haddana kala duwanaashaha cuntooyinka waa mid laga dheehdo farqiga ilbaxnimo ee bulshada deegaan ama degmo. Bajiye waa cunta […]

- Advertisement -

Soomaalidda waa bulsho leh cunto dhaqameedyo kala duwan oo deegaan kasta waxaa loogu tagaa cunyooyin uu caan ku yahay, kuwaas oo dadka booqda ay kusii tashadaan in ay soo dhadhamiyaan. Wallow ay jiraan waxyaabo laga siman yahay haddana kala duwanaashaha cuntooyinka waa mid laga dheehdo farqiga ilbaxnimo ee bulshada deegaan ama degmo. Bajiye waa cunta dhaqameed ka mid ah cuntooyinka fudud ee ay caan ka ku yihiin bulshada Banaadiriga gaar ahaan degmada Xamarweyne. Waa xarun loo doonto cuntooyinka dhaqanka Banaadiriga ah oo uu ugu horeeyo Bajiye iyo Leefleefoow.

Bajiyaha waxaa uu ka sameyasan yahay digirta dalka oo la shiiday, waxa lagu daray waxyaabaha cuntada carafiya oo dhadhan  gaar u ah u yeela, waxaa ayna inta badan

- Advertisement -

haweenku, khaasatan dumarka xaladaha hore ee uurka ku jira iyo kuwa xiiseeyaba galabtii u soo doontaan degmadan Xamarweyne  oo ah meesha ugu badan ee laga helo Bajiyaha. Leeleefoowguna waxa laga sameeyaa canbe ceyriin ah oo la kariyay waxaana koosaar ama suugo ahaan loogu cuno burka, Bajiyaha iyo sanbuuska.

Jacaylka iyo xiisaha cuntada Banaadiriga loo qabo waxaa ay fursad shaqo u abuurtay hooyooyin badan oo la daalaa dhacayay korinta carruurtooda maadaama ay korartay shaqo yarida dalka  ka jirta.

- Advertisement -

Binti Cabdiqadir Maxamed oo ku dhowaad 13 sanno ka shaqeeynaysay samaynta Bajiyaha ayaa nooga war bixisay waxyaabaha xiisaha gaar ka ah u yeela Bajiyaha iyo asal ahaan waxa ay ka ogtahay hindisaha farsamo ee cuntadan. Waxa ayna tidhi “Annaga meel kasta oo tagno Bajiyo nalagama waayo, waa astaanteenna haddaan nahay reer Banaadiri. Waxa aan isku dayay in aan dhar iibiyo, balse way ugu adkaatay in aan fahmo, samaynta Bajiye ayaan bilaabay oo Ilaahay iibarakeeyay.”  

 Cuntan fudud inta badan waxaa si siman loo wadda cuna xilliyada ramadaanka, balse wakhtiyada kale Xamarweyne waa Meesha kaliye ee xili kasta laga cuno kamana dhammaado xiisa ama rabitaanka loo qabo cuntadan. Binti ayaa xustay, “Carruurtayda waxabarashadooda iyo nolosha qoyska ayaan kudabara sameynta cuntooyinkan fudud. Wax caqabad ahna kala kulmin intii aan wadday marka laga reebo wakhtigii aan bilaabayay oo aan macaamil badan heysanin.”

Muna Xassan oo ka mid ah hooyoyinka nolol maalmeedka qoyskeeda ku dabarta, muddo fogna ka shaqaysaynaysay, islamarkaasna ka dhaxashay farsamada  cuntooyinka fudud hooyadeed oo hadda hawl gabtay ayaa sheegtay in hadda rag iyo dumarba ay cunaan Bajiyaha, degmooyinka kale ee ka fog xamarweynane ay uga kala yimaadan kalyantigeeda.

 “Hooyaday ayaa sameyn jirtay Bajiha muddo 25 sanno ka badan, way waayeeshay hadda sidaas ayaan booskeeda u beddelay.”

Muna oo ah oo ah hooyada toddobo carruur ah ayaa nolosha qooskeeda ka maareysa sameynta Bajiha. “Macmacaanka qaar waxa iga soo dalbado dad qurbaha u socdo sida macsharada oo habeenkii ayaan u diyaariyaa si ay u qaataan maalinka xiga.”

 Madiina Cumar Baroow oo ka mid ah dadka ganacsiyada yar yar ku leh degmadan muddo 25 sanno u dhowna shah ku karisa  ayaan wayddiinay Bajiha iyo waxa ay ka taqaano. “Bajiyaha waxaa lagu yaqaanaa dadka gibil cadka ah,se hadda  Soomaaliddu way wadda baratay, meel kasta waa laga helaa, wuxuuna shaqo abuur u noqday hooyooyin badan burburkii kadib.”

Madiino ayaa xustay in jiilka danbe ay aad u jecelyihiin cunista Bajiyaha  balse dadkii hore  aysan sidaas ku ahayn maadama ay dad kooban uun yaqaanee gayiga Soomaalidda gaar ahaan gobbolka Banaadir.

Bulshada Banaadirriga waa bulsho ilbaxnimo iyo xadaarad u saaxiib ah, waxaa ayna inta badan sameeyaan ganacsiyo iyo farsamooyin caajiib  ah oo iyaga  gaar ah, soo jiita bulshada Soomaaliyeed in teeda kale.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories