HomeWararNin Hargeysa ku dilay Xaaskiisa oo gacanta lagu dhigay

Nin Hargeysa ku dilay Xaaskiisa oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin eedeysane ah oo loo haysto inuu xalay Magaalada Hargeysa ku dilay Xaaskiisa. Jamaal Daaha Cabdiraxmaan oo 54jir oo ku eedaysan inuu Xalay Abbaaro 10:30kii Habeenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargaysa Xaaskiisa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir ayaa haatan gacanta lagu hayaa. Qoraal kasoo baxay […]

- Advertisement -

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin eedeysane ah oo loo haysto inuu xalay Magaalada Hargeysa ku dilay Xaaskiisa.

Jamaal Daaha Cabdiraxmaan oo 54jir oo ku eedaysan inuu Xalay Abbaaro 10:30kii Habeenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargaysa Xaaskiisa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir ayaa haatan gacanta lagu hayaa.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Booliska Somaliland ayaa lagu yiri “Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed 54jir oo ku eedaysan inuu Xalay Abbaaro 10:30kii Habeenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd Xaaskiisii waxaanu uu ku dilay Mindi ( Soodh)”

Kadib howlgal lagu baadi goobayay eedeysanaha oo ay Ciidanku sameeyeen ayay kusoo qabteen Eedaysanahii  , waxaana hadda uu ku jiraa gacanta Ciidanka.

Eedaysanaha iyo marxuumaduba waxay kasoo jeedaan dalka Yemen  , waxaana kiiskaasi baaristiisa gacanta ku haya Hoggaanka Baariista Dmabiyada (C.I.D).

Latest stories