HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dad isku qoys ah oo lagu laayay degaan ka...

Wararkii ugu danbeeyay Dad isku qoys ah oo lagu laayay degaan ka tirsan Mudug

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa xalay Weerar ku qaaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay agagaarka deegaanka Saaxo ee Gobolka Muudg, Weerarka ayaana dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyoo dhaawac oo gaaray dadka. Inta la xaqiijiyay illaa 5 qof ayaa lagu dilay Weerarkii lagu qaaday dadka ee ka dhacay agagaarka deegaanka Saaxo […]

- Advertisement -

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa xalay Weerar ku qaaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay agagaarka deegaanka Saaxo ee Gobolka Muudg, Weerarka ayaana dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyoo dhaawac oo gaaray dadka.

Inta la xaqiijiyay illaa 5 qof ayaa lagu dilay Weerarkii lagu qaaday dadka ee ka dhacay agagaarka deegaanka Saaxo , halka ay ku dhaawacmeen 6 qof kale , waxaana dadka waxyeelada gaartay u badnaa dad isku qoys ah.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay inay ka xun yihiin falka lagu laayay dadkii saarnaa gaariga oo ay ku jireen 11 qof oo hal qoys ahaa, kuwaasi oo dhammaantood dhintay.

“Waxa xanuunka leh labada arrimood weeye mar waa hal qoys dadka halkaas lagu laayay 11 qof oo isku guri ah ayay ahaayeen 5 waa dhimatay nin iyo xaaskiis, walaashiis, wiil uu abti u yahay iyo wiil kale oo uu adeer u yahay” ayuu yiri Faysal Sheekh Cali.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiye Faysal Sheekh Cali in ciidanka amniga Maamulka ay wadaan howlgalo ballaaran oo lagu soo qabanayo maleeshiyaadkii hubeysnaa ee Weerarka foosha xun ku laayay dad shacab ah oo safar ahaa.

- Advertisement -

Si kastaba, dhawaan ayey aheyd markii sidaan oo kale Weerar lagu dilay badan oo shacab ah uu ka dhacay Gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in deegaannada Galmudug ay kusoo laab-laabteen Weerarada ay geysanayaan maleeshiyo beeleedka.

Latest stories