HomeWararSafiirka Itoobiya oo Raali-gelin ka bixiyay wareysi uu ugu gafay Soomaaliya

Safiirka Itoobiya oo Raali-gelin ka bixiyay wareysi uu ugu gafay Soomaaliya

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxmed Waare ayaa raali galin ka bixiyay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Dowladda Itoobiya. Qoraal uu goordhaw bartiisa Twitterka ku daabacay safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho ayuu raali-gelin buuxda uga bixiyay wareysigii uu bixiyay, waxa uuna cafis weydiistay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Hadalka danjire Mukhtar Maxmed Waare […]

- Advertisement -

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxmed Waare ayaa raali galin ka bixiyay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Dowladda Itoobiya.

Qoraal uu goordhaw bartiisa Twitterka ku daabacay safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho ayuu raali-gelin buuxda uga bixiyay wareysigii uu bixiyay, waxa uuna cafis weydiistay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Hadalka danjire Mukhtar Maxmed Waare ayaa ahaa inu taageray heshiiskii badda ay Somaliland la galeen iyo in xaduudaha dalkiisu ay fidi karaan.

“Waxaan raali galin ka bixinaya waraysigii aan dhawaan warbaahinta dalkeyga aan siiyey ma ahayn mid lagu qanci karo, waxaana cafis weydiisanayaa walalaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Safiirka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa “Somalia iyo itoobiya waxay wadaagaan xariir qoto dheer, waxaa iga go’an ka Safiir ahaan inaan si xoog ah ugu shaqeeyo oo aan xoojiyo xariirka labadeena dal ee walalaha si loo xoojiyo wada shaqeeynteena”.

- Advertisement -

Raali-gelinta safiirka Itoobiya ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xilli isna Ra’isul Wasaaraha Itoobiya dhawwaan shaaciyay in uu aqoonsan yahay midnimada Soomaaliya ayna wadin xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya.

Latest stories