HomeWararBaarlamaanka Puntland oo ansixiyay Codsi uga yimid Madaxweyne Deni

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Codsi uga yimid Madaxweyne Deni

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Axad ah kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku ansixiyay Codsi uga yimid Madaxweynaha Maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa Xildhibaanada Maamulka ka dalbaday inay muddo 45 maalin ah ugu daraan wakhtiga uu ku soo dhisayo Xukuumadda cusub ee laga sugayo, maadaama […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Axad ah kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku ansixiyay Codsi uga yimid Madaxweynaha Maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa Xildhibaanada Maamulka ka dalbaday inay muddo 45 maalin ah ugu daraan wakhtiga uu ku soo dhisayo Xukuumadda cusub ee laga sugayo, maadaama sida uu tilmaamay uu wado wadatashiyo kala duwan.

- Advertisement -

Kulankii Maanta ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland cod aqlabiyad leh ugu codeeyay codsiga Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona muddo 30 cisho ugu daray, si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda ( February 28, 2024).

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu dhawaan safar dalxiis ah ugu baxayo dalka dibaddiisa, sidaas darteedna u dalbaday in la siiyo wakhti kordhin.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale dib loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, kadib doorashadii magaalada Garoowe ka dhacday 8-dii bishaan ee sanadkaan cusub ee 2024.

Latest stories