HomeWararAqalka Sare oo shaaciyay xilliga la guda galayo dooda afarta cutub ee...

Aqalka Sare oo shaaciyay xilliga la guda galayo dooda afarta cutub ee ugu horreysa ee Dastuurka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad. Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde oo ajandihiisu ahaa katashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka. Kulanka ayaa ugu horrayn […]

- Advertisement -

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde oo ajandihiisu ahaa katashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka.

- Advertisement -

Kulanka ayaa ugu horrayn waxaa warbixin looga dhagaystay xoghayaha guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS, Sanatar Siciid Cabdi Xuseen isagoo ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen, muhiimaddiisa iyo in ay u diyaarsan yihiin ka guddi ahaan afarta cutub ee ee ugu horraysa dastuurka.

Intaas kadib xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa dood iyo falanqayn ay ka yeesheen habraaca dib u eegista Dastuurka, waxay soo jeediyeen in tobanka bisha Febaraayo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah, taas oo ay ugu danbayn isla qaateen.

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka dalka, waxa ayna xildhibaanada wax ka bedel ku sameyn doonaan qaar kamid ah qodobada Dastuurka KMG ku jira.

- Advertisement -

Arinta Dib u Eegista Distoorka iyo wax ka badalkiisa ayaa dood adag ka dhex dhalisay dawladda iyo Siyaasiyiinta diidan nidaamka dawladdu u marayso wax ka badalkiisa, waxase muuqata in Guddoonka Labada Aqal aanay dib uga laaban doonin guda galka doodda Distoorka iyo wax ka badalkiisa.

Latest stories