HomeWararDuqeyn lagu dilay xubno ka tirsan AS oo mar kale laga fuliyay...

Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan AS oo mar kale laga fuliyay Galhareeri

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wararka aan ka heleyno magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay mar kale magaaladaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo ay fuliyeen diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka. Duqeynta ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo gacanta ku haaya Galhareeri, waxaana la sheegay in Weerarka khasaaro  […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay mar kale magaaladaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo ay fuliyeen diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka.

Duqeynta ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo gacanta ku haaya Galhareeri, waxaana la sheegay in Weerarka khasaaro  lagu gaarsiiyay Shabaab, sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

- Advertisement -

Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeynta, sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiil ciidan oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Dadka degmada Galhareeri ayaa laga soo xigtay in xalay maqleen jugta gantaalo culus oo kusoo dhacay qeybo kamid ah degmada iyo qaraxyo ka dhacay goobaha la duqeeyay, waxa ayna dadku tilmaameen in aysan ogaan karin khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Weerarkan xalay ka dhacay Galhareeri ayaa noqonaya kii labaad oo maalmo gudahood ka dhaco degmadaasi, waxaana habeeno kahor la duqeeyay xarumo Al Shabaab lahayaeen ay ku jirto Idaacada Al Andulus, waxaana weerarkaasi ku dhintay xubno la sheegay in ay saraakiil iyo dagaallamayaal ahaayeen iyo dad kale oo shacab ah.

Latest stories