HomeWararMW Xasan Sheekh “Dastuurka waqti uma dhinna, Dastuurka waa bislaaday"

MW Xasan Sheekh “Dastuurka waqti uma dhinna, Dastuurka waa bislaaday”

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu hambaleeyay madaxa cusub ee dhawaan ku soo baxay doorashaddii Puntland ka qabsoontay. Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortay ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo Janaayo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu hambaleeyay madaxa cusub ee dhawaan ku soo baxay doorashaddii Puntland ka qabsoontay.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortay ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo Janaayo 8, 2024-ka loo doortay hoggaanka shanta sano ee soo socota ee Puntlan.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray dhameestir Dastuurka iyo sida ay dowladdiisa muhiim ugu tahay, waxa uu sidoo kale sheegay in aanan loo joojin doonin cid kasta oo ka hortimaada.

Dr Xassan Sheekh Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadlaya Dastuurka ayaa yiri, “Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna. Dastuurkaan hanti Soomaaliyeed ayaa lagu dhameystiri doonaa dibad loo qaadi maayo.”

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in gacan dalka lagu xorreyn doono, gacanna lagu dhameestiri doona Dastuurka oo soo socday muddo ka badan 10 sano, iyada oo dowladihii hore ay ku guuleysan waayeen in ay dhameestiraan.

- Advertisement -

Hadalkaan uu ka sheegay Madaxweynaha caleema saarka Saciid Deni ayaa ku soo aadaya xilli maalnimadii fadhi wada jir ah ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ay ku meel mariyeen Habraaca wax ka badalka Dastuurka dalka.

Latest stories