HomeWararDowladda Soomaaliya oo u MehedceLisay Beesha Caalamka

Dowladda Soomaaliya oo u MehedceLisay Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soodhaweysay taageerada dalalka caalamka ay ku taageereen qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed . Waxay si gaar ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u xustay dadaaladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee uu horkacayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka mid ahaayeen Shir Madaxeedkii aan caadiga […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soodhaweysay taageerada dalalka caalamka ay ku taageereen qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed .

Waxay si gaar ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u xustay dadaaladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee uu horkacayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka mid ahaayeen Shir Madaxeedkii aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD, Shir Madaxeedka Waddamada Dhexdhexaadka ah, kulankii Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika iyo socdaalkii miradhalka ahaa ee Madaxweynaha uu ku tegay Qaahira, kulanna kula yeeshay Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley kulanka uu la yeeshay Madaxweyne El Sisi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin  xulufo iyo wallaalo soo jireen ah oo mar kasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifaya iyo horumar waara , si gaar ahna diiradda loo saarayo xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Masar oo Isna ka hadlayay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadley saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo wallaalo ah, kana wada tirsan Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika .

Tallaabada gurracan ee ay qaaddey Ethiopia ee ay ku faragelinayso qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba.

Latest stories