HomeWararLaamaha ammaanka Puntland oo fuliyay awaamiir ay dhawaan soo saareen

Laamaha ammaanka Puntland oo fuliyay awaamiir ay dhawaan soo saareen

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Laamaha Amniga Gobolka Bari oo dhawaan soo saaray awaamiir Culus oo ku aaddan xaqiijinta ammaanka guud ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sameeyay howgallo amni xaqijiin ah. Ciidamada ammaanka ayaa xalay magaalada ka bilaabay hawlgallo, waxaana la arkayay Ciidanka oo xaafadaha magaalada guri-guri u baaraya. Tallaabada ay qaadeen Ciidanka ayaa timid kadib markii […]

- Advertisement -

Laamaha Amniga Gobolka Bari oo dhawaan soo saaray awaamiir Culus oo ku aaddan xaqiijinta ammaanka guud ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sameeyay howgallo amni xaqijiin ah.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay magaalada ka bilaabay hawlgallo, waxaana la arkayay Ciidanka oo xaafadaha magaalada guri-guri u baaraya.

- Advertisement -

Tallaabada ay qaadeen Ciidanka ayaa timid kadib markii guddiga Amniga Gobolka Bari uu shir deg deg ah ka yeeshay xaaladda Boosaaso oo muddooyinkii danbe laga soo sheegayay falal amni-darro ah.

Waxaana  Guddiga oo dhawaan yeeshay kulan ay sheegeen in la bilaabayo hawlgal ciidan oo lagu xasilinayo Amniga Boosaaso islamarkaana magaalada looga sifaynayo shaqsiyaad ku howlan falal amini darro.

Guddiga ayaa sidoo kale soo saaray awaamiir lagu xaqiijinayo amniga Boosaaso oo ay ku jirto in aysan cidna hub ku dhex qaadan karin magaalada islamarkaana aan la ogolayn gaadiidka taariko la’aanta ah.

- Advertisement -

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacay falal ka dhan ah ammaanka, waxaana hay’adaha amniga Puntland ay tiro dhowr jeer ah sheegeen inay wax ka qaban doonaan.

Latest stories