HomeWararPuntland oo ka Warbixisay Madaxda lagu casuumay caleema-saarka Saciid Deni

Puntland oo ka Warbixisay Madaxda lagu casuumay caleema-saarka Saciid Deni

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka Warbixiyay Madaxda lagu casuumay caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo 25-ka bishaan ka dhaceysa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Wasiir Maxamuud Caydiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in caleemo-saarka Madaxweyne Deni lagu casuumay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh […]

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka Warbixiyay Madaxda lagu casuumay caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo 25-ka bishaan ka dhaceysa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Wasiir Maxamuud Caydiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in caleemo-saarka Madaxweyne Deni lagu casuumay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu aqbalay inuu kasoo qeyb galo Munaasabadda.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Puntland ay casuumaad u dirtay dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka oo socdaalka ku wehlin doona Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxda Federaalka, madaxweynuhu waa ku casuman yahay caleema-saarka, waana uu aqbalay, maamul goboleedada dhammaantood waa la casumay, qof shaqadu u saamixi waydo oo hawl ka soo gasho mooyaane” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Munaasabadda caleema-saarka oo sidoo kale ay ka qayb-galayaan siyaasiyiin madax-bannaan iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto Khamiista Todobaadkan oo ku beegan 25 Jan.

- Advertisement -

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 8-dii bishaan Janaayo 2023 mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, halka Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaasi loo doortay Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Latest stories