HomeWararMaxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdifitaax Al- siisi?

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdifitaax Al- siisi?

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-siisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka waxa loogu yeero argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

- Advertisement -

Kuanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan Gobolka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay sida dowladda Soomaaliya ay ula kaashanayso xulafada , bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahad celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ee ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya ayaa soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah.

- Advertisement -

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin Labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno”.

Ugu danbeyntii, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xoojinta iskaashiga labada dal ee soo jireenka ah, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar guulaha muuqda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dagaalka argagixisada iyo gaaridda guulihii taariikhiga ee dalkeennu ka gaaray qaadista Cuna-qabatayntii hubka, deyn cafinta iyo ku biiristii suuqa dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.

Latest stories