HomeWararWasiir hore Cabdirashiid Janan oo Nolol lagu helay, kadib maalmo la la'aa

Wasiir hore Cabdirashiid Janan oo Nolol lagu helay, kadib maalmo la la’aa

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo muddo todobaadyo lagu la’aan nolal iyo Geeri ayaa la shaaciyay in nolal lagu helay, kadib markii lagu waayay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan oo ah Wasiirka amniga Jubbaland oo la hadlay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka […]

- Advertisement -

Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo muddo todobaadyo lagu la’aan nolal iyo Geeri ayaa la shaaciyay in nolal lagu helay, kadib markii lagu waayay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan oo ah Wasiirka amniga Jubbaland oo la hadlay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa xaqiijiyay in Cabdirashiid Janan uu dib u helay xorriyadiisa, isla markaana xalay uu yimid hoygiisa Nairobi .

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu xirnaa, isla markaana ay 10 maalin kahor kaxeysteen rag aan la aqoosan waxa ay yihiin, sidaasina loogu waayay nolal iyo Geeri.

Wasiir hore Janan iyo qoyskiisa ayaan weli ka hadal xarigiisa, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ka hadlaan falka lagu xiray Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Jubbaland oo haatan ku sugan hoyga uu ka dagan yahay Nairobi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in in la dilay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, taasoo walaac weyn ku dhalisay ehedala iyo Xildibannada kasoo jeeda Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.

Latest stories