HomeWararAskari Dil ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho oo gacata lagu dhigay

Askari Dil ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho oo gacata lagu dhigay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay Askari kamid ah ciidanka Booliska oo Maanta Askari hore ku dilay Muqdisho gaar ahaan xaafadda Xaawo-taako ee  degmada Wadajir. Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Eedeysane Boliis, Mowliid Maxamuud Axmed oo ku […]

- Advertisement -

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay Askari kamid ah ciidanka Booliska oo Maanta Askari hore ku dilay Muqdisho gaar ahaan xaafadda Xaawo-taako ee  degmada Wadajir.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Eedeysane Boliis, Mowliid Maxamuud Axmed oo ku eedeeysan dilka marxuum – Boliis Daahir Cabdi Axmed la xiray, isla markaana cadaalada la horgeyn doono Askariga.

- Advertisement -

“Maanta 20 Jan 2024, abaare 14:00 PM, ayaa la dilay Marxuum ex- Boliis Daahir Cabdi Axmed, ina Salaado Maxamed Geedi 45 jir ku dhashay Mudug, deganaa Wadajir, kaas oo lagu dilay Degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xaawo-taako” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa intaas kusii daray “Eedeysane Boliis, Moowliid Maxamuud Axmed, oo ku eedeeysan dilka marxuumka, ayaa Ciidamada Amaanku gacanta ku dhigeen, hadana wuu xiranyahay, waxaan ku socota baarista si cadaalada loo horgeeyo”.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaas foosha xun ee Maanta lagu dilay Marxuum ex- Boliis Daahir Cabdi Axmed, wuxuuna Taliska xusay in Eedeysanaha si deg deg ah cadaalada ku wajahayo.

Latest stories