HomeWararVilla Somalia oo War kasoo saartay War-murtiyeedkii Madaxda Dalalka IGAD

Villa Somalia oo War kasoo saartay War-murtiyeedkii Madaxda Dalalka IGAD

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo dhagaystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis […]

- Advertisement -

Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo dhagaystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa usoo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo diblumaasiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku yeelanayso xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoojiyey qaraarkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku laaleen is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, kaas oo khilaafsan heshiisyada labada dal, mabaad’ida aas-aasiga ah ee Midowga Afrika, xeerarka heer IGAD iyo heer caalamba.

Latest stories