HomeWararQarax lagu soo raray Gaari-dameer oo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Kenya

Qarax lagu soo raray Gaari-dameer oo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Kenya

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya lagula beegsaday bar kontorool oo ku taalla xudduudka Kenya iyo Soomaaliya. Warbixin ka soo baxday Booliska Kenya oo ay aragtay Wakaalladda Wararka AP, ayaa lagu sheegay in Gaariga uu watay Labo Dameer […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya lagula beegsaday bar kontorool oo ku taalla xudduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Warbixin ka soo baxday Booliska Kenya oo ay aragtay Wakaalladda Wararka AP, ayaa lagu sheegay in Gaariga uu watay Labo Dameer uuna la socday Nin uu ka gudbay Koontaroolka ay Soomaalidu ku leedahay Buula Xaawo, kadibna uu galay Dhulka Kenya, halkaasoo ay ku joojiyeen Askarta si ay u hubiyaan rarka saaran.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Kenya ayaa qaraxa ku dhintay, halka afar kalena dhaawacyo halis ah soo gaareen, kuwaasi oo durbadii loola cararay mid kamid ah Xarumaha Caafimaadka ay leeyihiin ciidamada.

Guddoomiyaha kenya u qaabilsan Ismaamulka Mandheera Onesmus Kyatha oo Warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano, isagoo xusay inay aaminsan yihiin  in qaraxa uu ahaa mid meel fog laga hagayay.

Si kastaba qaraxii ka dhacay barta kontorool ee ku taalla xudduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo marar badan sidaan oo kale qaraxyo khasaaro dhaliyay ula beegsatay ciidamada Kenya.

Latest stories