HomeWararDuqeyn lagu dilay Dagaalyahano ka tirsan AS oo Maanta la fuliyay

Duqeyn lagu dilay Dagaalyahano ka tirsan AS oo Maanta la fuliyay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka ayaa Maanta waxay duqeymo ka fuliyeen deegaano ku yaalla xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Fiidow oo ku yaalla xadka labada gobol, isla markaana sida […]

- Advertisement -

Diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka ayaa Maanta waxay duqeymo ka fuliyeen deegaano ku yaalla xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Fiidow oo ku yaalla xadka labada gobol, isla markaana sida la tilmaamay lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo joogay goob.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradeed lagu dilay ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jiray dagaalamayaal iyo Saraakiil.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaas kusii daray in khasaaro dhaawacyo ah ay ka dhasheen duqeynta, in kastoo dowladda Federaalka Soomaaliya aysan faah faahin ka bixin howlgalka ka dhacay deegaano ku yaalla xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa horey u sheegtay inay ka go’an tahay sii wadida howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gobolada dalka.

Latest stories