HomeWararShirka IGAD ee looga hadlayo xiisada Somalia iyo Itoobiya Maanta furmaya

Shirka IGAD ee looga hadlayo xiisada Somalia iyo Itoobiya Maanta furmaya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa waxaa Maanta ka furmaya shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayay  oo ka ambabaxay Garoonka […]

- Advertisement -

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa waxaa Maanta ka furmaya shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayay  oo ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu socdo Shirka Madaxda Urur-Goboleedka IGAD la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad uu uga soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku dooneyso dhul Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda aan ka qeyb galeyn shirkan deg dega ah ay isugu imaanayaan madaxda IGAD, waxa ayna Itoobiya qoraal ay soo saartay uga cudur daaratay in ay shirkaasi ka qeyb gasho.

- Advertisement -

Shirka ayaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno lagu taageerayo madax-bannaanimada Soomaaliya , sidoo kale looga soo horjeedo heshiis beenaadkii ay wada galeen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Latest stories