HomeWararShil sababay khasaaro Nafeed oo Goor dhow ka dhacay Duleedka Garoowe

Shil sababay khasaaro Nafeed oo Goor dhow ka dhacay Duleedka Garoowe

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Shil gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow Maanta oo khamiis ah ka dhacay deegaan duleedka ka ah magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal, sida ay sheegayaan wararka aan halkaasi ka heleyno. Dad ayaa waxa ay kusoo warrameen in shilkaasi uu ka danbeeyay, kadib markii uu gaari ay saarnaayeen dad […]

- Advertisement -

Shil gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow Maanta oo khamiis ah ka dhacay deegaan duleedka ka ah magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal, sida ay sheegayaan wararka aan halkaasi ka heleyno.

Dad ayaa waxa ay kusoo warrameen in shilkaasi uu ka danbeeyay, kadib markii uu gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku socday xawaare sare uu mar qura wadada ka baxay, isla markaana uu rogmaday gaarigaasi oo ahaa nooca yaryar.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyooday shilka gaari oo ka dhacay nawaaxiga degaanka 22-aad ee dhinaca bari ka xiga magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo tiro ahaan aan la shaacin.

Marar badan oo hore ayaa waxaa sidaan oo kale duleedka Garoowe uga dhacay shilal gaari oo dhowr ah, kuwaasi oo geystay khasaaro nafeed, inta badan shilalkaasi ayaa loo sababeeyaa gaadiidka oo xawaare sare loo kaxeeyo iyo waddooyinka qaarkood oo ah kuwo burbursan.

Latest stories