HomeWararKhasaaraha ka dhashay Shil Diyaaradeed oo Maanta ka dhacay Ceel-barde

Khasaaraha ka dhashay Shil Diyaaradeed oo Maanta ka dhacay Ceel-barde

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday, qof kalena waa uu ku dhaawacmay kadib shil diyaaradeed oo maanta abaara 11:30 ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Maareeyaha garoonka Ceelbarde C/fitaax Geedsane Diyaaradda oo ka duushay Muqdisho, ayaa sidday gargaar Banii’aadano,waxaana saarnaa  afar ruux oo shaqaalaha UN-ka ah gaar […]

- Advertisement -

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday, qof kalena waa uu ku dhaawacmay kadib shil diyaaradeed oo maanta abaara 11:30 ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Maareeyaha garoonka Ceelbarde C/fitaax Geedsane

Diyaaradda oo ka duushay Muqdisho, ayaa sidday gargaar Banii’aadano,waxaana saarnaa  afar ruux oo shaqaalaha UN-ka ah gaar ahaan qeybta WFP,

- Advertisement -

Shilka Diyaaradda ayaa ka dhashay kadib markii mid ka mid ah Taayarada uu baxay  oo ka weectay  wadda ay ku orodaan diyaaradaha, iyadoona diyaaradda gashay dhismo u dhow aagga  garoonka.

Maareeyaha garoonka Ceelbarde Cabdifitaax Keydsane ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarada ku dhacday meel ka baxsan garoonka diyaaradaha , waxa uuna xusay in uu ku dhintay shilkaasi hal qof oo kamid ahaa dadkii diyaarada la socday.

Qofka dhintay ee diyaarada la socday ayaa wararka qaar sheegayaan in uu ahaa duuliyihii diyaarada, waxaana diyaarada shilka gashay la socday afar qof oo katirsanaa shaqaalaha hay’adda WPF kuwaa oo shilka ka bad baaday .

Latest stories