HomeWararImaaraadka oo taageeray madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somalia

Imaaraadka oo taageeray madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somalia

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka carabta uu si buuxda u garab taagan yahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed isla markaana uusan marnaba raali ka ahayn in lagu xad gudbo madaxbanaanideeda. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalkaas Khalifa Shaheen Almarar oo ka qeyb galay kulan aan caadi ahayn oo […]

- Advertisement -

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka carabta uu si buuxda u garab taagan yahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed isla markaana uusan marnaba raali ka ahayn in lagu xad gudbo madaxbanaanideeda.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalkaas Khalifa Shaheen Almarar oo ka qeyb galay kulan aan caadi ahayn oo maalinimadii shalay u qabsoomay Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ayaa hadalkaasi ku dhawaaqay.

- Advertisement -

Kulankaan oo ahaa mid muuqaal ah ayaa daba socda codsi ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu falanqeynayay waxyaabihii u dambeeyay ee ku soo kordhay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo saamayntii ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Intii uu socday kulanka, wasiiru dowlaha ayaa caddeeyey in ay taageersan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku celceliyey in ay garabtaagan yihiin dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mr Khalifa Shaheen Almarar oo sii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in dalalka Carabtu ay isku raacsan yihiin gacansiinta dowladda Soomaaliya iyo wax kasta oo ay u arkaan in ay lagama maarmaan u yihiin arrimaha Soomaaliya.

Latest stories