HomeWararDowladda Somalia oo War kasoo saartay Natiijada Shirkii Midowga Afrika

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Natiijada Shirkii Midowga Afrika

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay natiijada ka soo baxday Shirkii Guddiga Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ay yeesheen ee looga hadlaayay xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyay xaqiijinta Guddoga Nabadda iyo Ammaanka AU ee madax-bannaanida iyo midnimada […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay natiijada ka soo baxday Shirkii Guddiga Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ay yeesheen ee looga hadlaayay xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyay xaqiijinta Guddoga Nabadda iyo Ammaanka AU ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “in aanay furneyn waddo dhex dhexaadin ah illaa aysan Itoobiya ka noqon heshiiskii sharci-darrada ahaa, ayna dib u xaqiijiso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya”.

Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa sheegay inay tixgeliyeen xaaladda u dhaxaysa labada waddan, iyagoo warbixino ka dhagaystay safiirka Soomaaliya u jooga Midowga Afrika Abdullahi Warfa, iyo ergayga Itoobiya u jooga Midowga Afrika Ayele Lire.

Golaha aya sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xiisadda u dhaxaysa labada waddan kadib markii is-afgarad ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.

- Advertisement -

Golaha ayaa sheegay inay ka baaraan degeen sida xaaladdan u saamayn karto gobolka, waxayna soo dhoweeyeen hadalkii uu arrintan hore uga soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, 3-dii Janaayo 2024-ka

Latest stories