HomeWararDowladda Somalia oo Hawada ka celisay Diyaarad kale oo Maanta ku socotay...

Dowladda Somalia oo Hawada ka celisay Diyaarad kale oo Maanta ku socotay Magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta oo khamiis ah mar kale celisay diyaarad nooca cargo ah oo ka diiwaangashan wadanka Thailand, registration P4-JAG, taasoo isku dayeysay inay u kala duusho magaalooyinka Sharjah iyo Hargaysa. Diyaaradda ayaa kuguuldaraysatay inay bixiso macluumaadka cargo ay wado taasoo shaki dhalisay keentayna in diyaarada ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed celiso […]

- Advertisement -

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta oo khamiis ah mar kale celisay diyaarad nooca cargo ah oo ka diiwaangashan wadanka Thailand, registration P4-JAG, taasoo isku dayeysay inay u kala duusho magaalooyinka Sharjah iyo Hargaysa.

Diyaaradda ayaa kuguuldaraysatay inay bixiso macluumaadka cargo ay wado taasoo shaki dhalisay keentayna in diyaarada ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed celiso una diido inay soo gasho hawada Soomaaliya 18/01/2024 oo Khamiis ah.

- Advertisement -

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa” ayaa lagu yiri Warxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka.

Dhinaca kale Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan diyaaradda maanta laga celiyay deegaanadeeda, gaar ahaan caasimadooda Hargeysa.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale dowladda dhexe ay hawada dalkeenna uga celisay diyaarad wafdi Itoobiyaan ah u waday magaalada Hargeysa, kana soo duushay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaas, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda labada dowladood.

Latest stories