HomeWararWasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan gaar ah la qaatay Waxgaradka Gobalka Awdel

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan gaar ah la qaatay Waxgaradka Gobalka Awdel

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho kula kulmay Salaadiin, ugaasyo, cuqal, iyo odeyaal kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal kuwaasoo ka tirsan 135 iyo qaar kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho kula kulmay Salaadiin, ugaasyo, cuqal, iyo odeyaal kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal kuwaasoo ka tirsan 135 iyo qaar kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Senator Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi.

- Advertisement -

Kulanka ayaa odeyaasha beelaha Samaroon iyo Ciise waxa ay ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya ku siiyay badda Zeylac.

Qaar ka tirsan odeyaasha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muuse Biixi oo aan sharci ku joogin uu ictiraaf ku raadinayo dhiiga umadda iyo qaddiyadda Awdal in ay u baahantahay difaac, ayna diyaar u yihiin dagaal iyo iska dhiciyaan cadowga .

Senator Deeqa Xasan Xuseen, guddoomiya Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka sare ayaa sheegtay ahmiyadda ay leeyihiin kulamadan oo kale, iyada oo ammaantay kaalinta odeyaasha dhaqananka ee ku aadan ka hortagga damaca Itoobiya ee ku aaddan dhul boobka.

- Advertisement -

Senator Bilaal Idiris C/laahi oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aannu war dhinneyn, oo la doonayo ficil iyo ka hortagga damaca Itoobiya iyo difaaca dhulkan dhaxalka u ah umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxay mowqifka Dowladda Federaalka ee soo jireenka ah ee ilaalinta bedqabka midnimada dhuleed iyo dad ee Soomaaliya.

Latest stories