HomeWararShacabka ku dhaqan Gobolka Awdal oo wali wada bannaanbaxyo ka dhan ah...

Shacabka ku dhaqan Gobolka Awdal oo wali wada bannaanbaxyo ka dhan ah Itoobiya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Awdal Waqooyiga Soomaaliya ayaa wali halkaasi ka wada bannaan baxyo ka dhan ah damaca gurracan ee Itoobiya iyo maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Muuse Biixi Cabdi. Kumanaan dibed baxayaal ah oo ay shucuurtoodu aad u kacsan tahay ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Boorama iyo degaanno ka tirsan gobolka Awdal, […]

- Advertisement -

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Awdal Waqooyiga Soomaaliya ayaa wali halkaasi ka wada bannaan baxyo ka dhan ah damaca gurracan ee Itoobiya iyo maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Muuse Biixi Cabdi.

Kumanaan dibed baxayaal ah oo ay shucuurtoodu aad u kacsan tahay ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Boorama iyo degaanno ka tirsan gobolka Awdal, kuwaas oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan damaca foosha xun ee Itoobiya.

- Advertisement -

Shacabka oo watay boorar ka dhan ah heshiis ku sheegga ay wada galeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa waxay wacad ku mareen in ay gacmaha ka laaban doonin haddii ay xukuumadda Addis Ababa ku dhaqaaqdo fulinta riyadooda waallida ah.

Shacabka ku dhaqan gobollada Awdal iyo Togdheer ayaa maalmahan ka fal celinayay heshiis ku sheegga Itoobiya ay la gashay hoggaanka Muuse Biixi.

Maamulka uu waqtigiisu dhammaaday ee Muuse Biixi ayaa wada cabburin ka dhan ah shacabka, Culimada, Saxaafadda iyo wax garadka bulshada, si loo qariyo dareenka bulshadu ay ku diiddan tahay hirgelinta damaca Itoobiya.

Latest stories