HomeWararMaxkamad Xukun ku ridday Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh

Maxkamad Xukun ku ridday Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Maxkamad Turkish ah ayaa maanta ku ganaaxday wiilka madaxweynaha Soomaaliya lacag dhan $900, sababo la xiriira inuu si aan ku talo-gal aheyn ugu dhacay islamarkaana dilay muwaadin Turkish ah oo ku socday mooto, waxaa sidaas maanta weriyey warbaahinta gudaha. Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud dambi ah inuu sababay dil ka dhashay dayacaad […]

- Advertisement -

Maxkamad Turkish ah ayaa maanta ku ganaaxday wiilka madaxweynaha Soomaaliya lacag dhan $900, sababo la xiriira inuu si aan ku talo-gal aheyn ugu dhacay islamarkaana dilay muwaadin Turkish ah oo ku socday mooto, waxaa sidaas maanta weriyey warbaahinta gudaha.

Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud dambi ah inuu sababay dil ka dhashay dayacaad kadib markii gaariga uu watay uu ku dhacay nin mooto guryaha ku geeya dalabyada, 30-kii bishii November 2023.

- Advertisement -

Yunus Emre Gocer, oo ahaa aabaha laba caruur ah, ayaa isbitaalka ku geeriyooday lix maalin kadib.

Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa soo saaray amar xiritaan oo caalami ah kadib markii booliska ay ogaadeen in wiilka madaxweynaha uu dalka ka baxay.

Bixitaankiisa ayaa caro ka dhaliyey warbaahinta mucaaradka Turkiga, kuwaas oo ku eedeeyey dowladda inay Maxamed u ogolaatay inuu dalka ka baxsado, si ay u ilaaliso xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

- Advertisement -

Si kastaba, wiilka madaxweynaha ayaa maalmo kahor ku laabtay dalka, si uu maxkamadda uga hor marqaati furo.

Maxkamadda Istanbul ayaa maanta Talaado ah ku xukuntay Maxamed laba sano iyo lix bil oo xabsi ah, taasi oo loo beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 lira ($900), sida uu weriyey taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV.

Dacwad-oogayaasha Turkey ayaa doonayey lix sano oo xabsi ah.

In xukunada xabsi loo beddelo ganaax waa wax si joogto ah uga dhaca hanaanka garsoorka ee Turkey.

Maxamed ayaa sidoo kale lagala noqday shatiga gaari wadista ee Turkey muddo lix bil ah. Xukunka ayaa dhacay ayada oo Maxamed uu ka maqnaa maxkamadda.

 

Latest stories